Su,aalo sida badan la iswediiyo

Waa maxay waxa SOSCENSA laga soo gaabshay?

SOSCENSA waxay u taagan tahay ka qeybgaleyaasha aan dowliga ahayn ee Somaliland.

Maxay qabataa SOSCENSA?

SOSCENSA waxaa ogolaansho loo siiyay xoojinta ka qeygaleyaasha aan dowliga ahayn ee Somaliland si ay ugu howlaan siyaasada wada hadalka caalamiga ah iyo dajinta go,aamada.

SOSCENSA ma ahan urur deeq lacageed bixiya mana qeybiyo wax qarash ah ama cawimaad toos ah.

Waa maxay ka qeybgaleyaasha aan dowliga ahayn?

Waxaanu ku qeexnaa ka qeybgaleyaasha aan dowliga ahayn in ay yihiin kooxo iyo shakhsiyaad aan u shaqeyneynin sidii wakiilo dowladeed.

Waa maxay sababta ay SOSCENSA ugu howsho siyaasada wada hadalka?

Siyaasada wada hadalku waxay ku saabsan tahay in si wada jir ah xal loogu helo dhibaatooyinka bulshada taasoo ku dhisan wada tashi. Ururka SOSCENSA wuxuu ka shaqeeyaa wada hadalka siyaasada ee lala leeyahay dowlada Somaliland iyo beesha caalamka si loo hubiyo in bulshada Somaliland ay codkeeda ka dhiibato go,aamada saameyn doona mustaqbalkooda.

Waa maxay sababta ay tahay in dadka dajiya siyaasada ay u dhagaystaan Somalia?

  • Waa ujeedo  ka go,an dowlada iyo deeq bixiyeyaasha in ay ka shaqeeyaan danaha dadka Soomaaliyeed.
  • Xubnaha ururkeenu waxay ogsoon yihiin xaalada wadanka ka jirta iyo waxa dadku u baahan yihiin oo ay hiigsanayaan maadaam aanu xiriir toos ah la leenahay.
  • Waxaa meeqaamkeenu yahay in aan soo bandhigno aaraada, waxyaabaha dadku daneeyo iyo waxa ay ahmiyada siiyaan marka nolosha laga eego dhan kasta Somaliland gudaheeda.
  • Mustaqbalka, dadka go,aanka dajiya waxay noqonayaan kuwo ku xiran dadka ay ku andacoodaan in ay matalaan.

Waa maxay faaiidooyinka laga helo xubin ka noqoshada SOSCENSA?

Hadii aad xubin ka noqoto SOSCENSA, waxaad awood u yeelaneysaa sare u qaadida aaraada, waxa bulshadaadu danayso iyo waxa ay ahmiyada siiso. Maadaama ay ku howlayaan siyaasada wada hadalka, xubnaha SOSCENSA waxay awood u leeyihiin wax ka badalida hannaanka dajinta go,aamada saameeya nolosha dhammaan dadka Somalia.

Sidee ugu soo biiri karaa SOSCENSA?

Apply

Waa maxay waxa fagaaruhu qaban karo ee xubnaha shakhsi shakhsiga ah aysan qaban karin?

Ayada oo la isu keenayo qeybo badan oo ah ka qeyb galeyaal aan dowli ahayn oo ku hadlaya hal cod oo arin kusaabsan ayaa SOSCENSA waxay mudnaan la jamciyay siisaa dadka aan weligood codkooda laga maqli lahayn heerka siyaasadeed.


SOSCENSA
waxay xiriir fiican la yeelatay hayadaha qaranka iyo beesha caalamka waxayna door isku xir oo muhiim ah ka ciyaartaa dhexda ka qeybgaleyaasha aan dowliga ahayn iyo dadka dajiya go,aamada.
   

Waa kuwama fagaareyaasha la maal galiyo?

SOSCENSA, SONSAF iyo PUNSAA waxaa maal galiya Midowga Yurub iyo DFID, waxaana qarashka maal galinta maamusha Saferworld.

SOSCENSA ma na maal galin kartaa anaga?

SOSCENSA maba ahan urur wax maal galiya mana bixiso qarash iyo cawimaad toos ah midna.

Waa maxay doorka Saferworld ka ciyaarto taageerida SOSCENSA?

Saferworld waxay ka taageertaa fagaareyaasha ka qeybgaleyaasha aan dowliga ahayn xagga far samada, siyaasada iyo la talinta.

Saferworld waxay isku duba ridaa shirarka ka dhexeeya ka qeybgaleyaasha aan dowliga ahayn iyo beesha caalamka waxayna maareysaa qarashka laga helo Guddiga Midowga Yurub iyo DFID.

Hadii jawaabaha su,aalahaagu aysan kujirin halkan kore waxaad si toos ah nagala soo xiriiri kartaa:

© 2011 Somalia South-Central Non State Actors. All rights reserved.

Terms & conditions | Privacy Policy | Sitemap | Contact Us

Status

Loading.Please wait...

SOSCENSA | Su,aalo sida badan la iswediiyo

Copyright © 2011 - 2017 SOSCENSA. All Rights Reserved